Bulsha:- Maxkamadda Hargeysa ayaa amar ku bixisay in isla maanta la sii daayo oo xoriyadoodii loo soo celiyo fannaaniinta Xidigaha Geeska ee la xiray maalintii Axadda.
Guddoomiyaha Maxkamada Axmed Dalmar Ismaaciil, ayaa sheegay in boliisku ilaa hadda ku guuldareystay inay maxkamadda horkeenaan sabab sharci oo macquul ah oo ay uga baaqsadeen inay ku dalbadaan waaran qabasho iyo inay keenaan xogaha dhacdadaa, sababta xadhiga iyo cadaymaha la helay oo faah-faahsan.
Qoraalka maxkamada waxaa kaloo lagu sheegay in iyadoo maxkamadu ka duuleysa distoorka Somaliland qodobka 25aad oo dammaanad qaadaya xorriyaadka aasaasiga ah ee shakhsiyaadka ay reebantay inaan qofna xorriyadiisa looga qaadi karin si aan sharciga waafaqsaneyn.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment