Daawo Sawirada: Aktarka caanka ah ee Ivan Krasko oo mudo fog kadib gacanta ku dhigay gabadhii uu la midoobi lahaa

Bulsha:- Ivan Krasko oo ah Aktar caan ka ah dalka Russia ayaa helay Gabar uu in badan ku raadinaayay la wadaagida nolosha.

Aktarkaani caanka ah oo sanajirkiisa lagu sheegay 84 jir ayaa la midoobay gabadha lagu magacaabo Natalia Shavel oo iyana ah 24 jir.

Aktarkaani ayaa gabadhaani yar ku dul filqay dhaqaale fooqul aqli ah, waxa uuna sheegay in hadda uu gacanta ku hayo gabadhii uu ku haminaayay.

Aktarka ayaa dhigtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay iyadoo ay ka soo qeybgaleen Fanaaniin iyo Jilayaal adduunka caan ka ah kuwaasi oo inta ay xafladu soctay soo bandhigay Riwaayado ay ku cabirayeen Jaceylka Ivan Krasko iyo Shavel .

Mr Ivan Krasko ayaa xaaskiisa la bilaabi doona nolol cusub madaama uu aroos yahay walow hada ay ka daba tmid da’ada mar hadii uu 84 sii cagacageynayo.

Muddo sanad ku dhow ayay ku qaadatay Ivan Krasko sidii uu kula midoobi lahaa Gabadha da’da yar ee Natalia Shavel.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment