Bulsha:- Warbaahinta dalka Kenya ayaa qortay Askar ka tirsan Booliska dalka Kenya oo loogu talo galay inay la dagaalamaan Ururka Al Shabaab, hubkii ay wateen inay iska soo wareejiyeen oo ay ku wareejiyeen Dowladda Kenya.
Sababta askartaan hubkii ay wateen ay isaga soo wareejiyeen ayaa ah inay ka cabsi qabaan weeraro kaga yimaada Ururka Al Shabaab oo lagu beegsado askartaasi, xilli weerarada Shabaab ay ka geysanayaan gudaha dalka Kenya ay sii kordhayaan.
Askartaan Booliska Kenya ka tirsan ayaa ka howlgalaayay tuulooyin ka tirsan Degmada Lamu ee Gobolka Xeebta dalka Kenya, waxaana ay kala yihiin tuulooyinkaasi Milimani,Basuba,Mangai,Mararani,Kiangwe,Ishakani iyo Kiunga.
Ciidamadan hubkooda soo wareejiyay ayaa lagu qiyaasay tiradooda 80 Askari, sababta ay u soo wareejiyeen hubka ayaa ah Shabaab dagaalkooda inay cabsi ka muujiyeen.
Dhamaan tuulooyinkii ay askartaan kasoo tageen wax ciidan Boolis ah hada ma joogo, iyadoo arintaan ay ku soo aaday xilli Dowladda Kenya ay ku dhawaaqday howlgal lagula dagaalamaayo Shabaabka ku sugan dhulka howdka ah ee Boni.
Xoogaga Shabaab ayaa laf dhuun gashay ku noqday Dowladda Kenya, waxaana Shabaabka weerarada ugu badan ay ka fuliyaan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya oo dhowr mar ay ku laayeen dad u badan Kirishtaan.
Mucaaradka dalka Kenya ayaa dhowr mar Dowladda Kenya ugu baaqay inay ciidamadeeda ka soo saarto dalka Somaliya si weerarada Shabaabka ay uga geystaan dalka Kenya ay u istaagaan.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom

Blogger Comment
Facebook Comment