XOG Cusub: Sirta Ciidamada Ethiopia ee SOMALIA oo la kashifay !! (Akhri)

Bulsha:- Nabaddoon Maxamuud Cali Geedi oo kamid ah Nabadoonada ugu caansan Somalia ayaa si adag uga hadlay ficilada ay Ciidamada AMISOM ka geysanayaan Gobolada dalka.

Nabadoonka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ee jooga Somalia ay ka gudbeen xuduuda, waxa uuna tilmaamay in ujeedkooda uu yahay kaliya inay baabi’iyaan Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu carabka ku dhuftay in Ciidamada Ethiopia ay aarsanayaan taariikhdii Somalia ka raacday xiligii Dowladii Dhexe, taasi oo uu ku sheegay in iminka laga aargoosanaayo Umadda Soomaaliyeed.

“Ethiopia dagaal naguma dhama ee waxa ay noo adeegsaneysaa carruurteena, waxaa ii muuqda in dagaalka ay ka dhex wado Somalia uu yahay mid ay kaga aargudaneyso Soomaalida, waxaana mas’uul ka ah Xassan Sheekh oo arrintaasi ka aamusay”.

Madaxweyne Xassan iyo garabyadiisa Siyaasadeed ayuu ku dhaliilay ka gaabsiga dhibaatooyinka lagu hayo Soomaalida waxa uuna ku baaqay Nabadoon Maxamuud Cali in wax laga bedelo gumaadka ay dib usoo celinayaan Ciidamada Ethiopia ee qeybta ka ah AMISOM.

Dhanka kale, shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay inay ka shaqeeyan sida dalka looga saari lahaa Ciidamada Shisheeye islamarkaana la imaadan isbedel.

xigasho nabadbile







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment