Bulsha:- Tobanka musharixar ee ugu cad-cad tartanka madaxtinimada xisbiga jamhuuriga dalka Mareykanka ayaa ka qayb galay dooddii ugu horreysay ka hor doorashada madaxtinimada ee sanadka dambe.
Furitaankii dooddaasi ayaa maal qabeenka ka ganacsada guryaha ee lagu magacaabo Donald Trump waxa uu shaaciyay in uusan meesha ka saarayn in uu noqdo musharax madax bannaan haddii uu ku guuldareysto tartanka xisbiga jamhuuriga.
Dhammaan musharixiinta ayaa dhaliil u jeediyay musharaxa xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton balse sidoo kale waxa ay dhammaantood isku maandhaafeen arrimaha qaar sida kuwa socdaalka iyo haweenka uurka leh ee ilmaha iska soo rida.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment