War deg deg ah:- Weerar Loo Adeegsaday Qaraxyo waaweeyn ayaa lagu qaaday Xarun Ciidan oo ku Taala ..

Bulsha:- Ugu yaraan 40-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo 24-saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Magaalada Kabul ee dalka Afgaanistaan, qaraxyadaan oo ka dhacay goobo kala duwan.

Dugsi lagu tababaro ciidamada Booliska oo ku yaallo Magaalada Kabul ayaa qarax lagu weeraray, waxaa halkaasi ku dhintay ugu yaraan 25 ka mid ah ciidankii Booliska ee tababarka Dugsigaasi ku qaadanaayay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay Sawiro laga soo qaaday ayaa laga dheehan karay bur bur xoogan oo soo gaaray dhismaha, waxaa macquul ah tirada dhimashada inay intaasi ka badan tahay.

Goob fariisin u ah NATO oo ku dhaw Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kabul ayaa weerar kale lagu qaaday, halkaasi waxaa ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lagu qarxiyay xarun Dowladeed oo bartamaha Magaalada ku taallo, waxaa halkaasi ku dhintay 15-ruux oo rayid ah.

Tirada guud ee dhimashada hada la og yahay waxa ay gaaraysaa 40-ruux oo Boolis iyo shacab intaba isugu jira, waxaana qaraxyadaan ka dambeeyay kooxaha kacdoon wadayaasha dalka Afgaanistaan.

Ashraf Ghani Madaxweynaha dalka Afgaanistaan ayaa sheegay in weeraradaasi ay yihiin kuwa Ururka Daalibaan ay indhaha caalamka isaga jeedinayaan xiisadaha dhaxdooda ka taagan ee ku aadan geerida Hogaamiyihii Ururkaasi Mullah Cumar.











_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment