SAWIRO:-Sanbaloolshe oo lagu soo dhaweeyay Safaarada Somalia ee Turkiga,

Bulsha:-Waxaa magaalada Ankara ee caasimadda turkiga lagu soo dhaweeyay Danjiraha cusub ee Dowlada Somalia u fadhin doona Turkiga Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Danjiraha ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Turkiga, Siyaasiyiin ka howlgasha Safaarada Soomaalida iyo xubno kale.


Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah Xoghayaha Koowaad ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga, ayaa warbaahinta u sheegay in Danjiraha lagu soo dhaweeyay maqaam sare, waxa uuna sheegay in maalmaha soo socda la filaayo in waraaqihiisa danjirenimo u gudbiyo Madaxweynaha dalka Turkiga, si uu u sii guda galo howlaha dowlada Soomaaliya u idmatay.


Cabdiqaadir ayaa xusay inay tahay wax lagu farxo in safiirka ay ku so dhaweeyaan dalka Turkiga, isla markaana uu kulamo la qaatay howlwadeenada safaaradda, ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment