SAWIRO:-Ciidanka Booliska oo la barayo Qorista Af Soomaaliga.

Bulsha:- Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwooda aan aqoon sida loo qoro ama loo aqriyo farta Soomaaliga ayaa loo furay goobo lagu baro farta Soomaaliga, waxaana goobahaasi soo kormeeray Saraakiil katirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.



Booliiska Soomaaliya ayaan lagu soo xulin aqoon iyo nidaamkii loo baahnaa, waana mida keentay in hada Taliska booliiska Soomaaliya uu ku amro in ciidamada in ay bartaan sida loo aqriyo loona qoro farta Soomaaliga.



Ciidamada booliiska ee sugaya amaanka wadooyinka qaarkood ayey ku adkaatay in ay aqriyaan kaararka aqoonsiga ay weediiyaan masuuliyiinta iyo dadka kale ee shacabka , waxaa sidoo kale ciidamada qaar ku adkaatay in ay qoraan taargada gaadiidka la tuhmo.



Waxaa hada loo furay Ciidamada booliiska Soomaaliya goobo lagu baro afka Soomaaliga iyo xisaabta, waxaana amarkan ah in wax ay bartaan ciidamada aan aqoonta laheyn ee ku jira booliiska bixiyay Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska .










_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment