Obama oo bogaadiyay horumarka ciidamada DF & kuwa AMISOM

Bulsha:- M/weynaha Mareeykanka Obama, ayaa bogaadiyay horumarka ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameeyeen dagaalka lagula jiro ururka Al-shabaab.

Obama ayaa hadalkan ka sheegay Isniintii lasoo dhaafay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, halkaasoo uu booqasho saddex casho ah ku joogay.

“Al-shabaab ma hayaan wax aan ahayn dhimasho iyo dhaawac,” ayuu Obama ka yiri Addis Ababa, isagoo intaas ku daray. “Itoobiya hanjabaadyo waa weyn ayay kala kulantay Al-shabaab, balse waxaan wada-shaqeynaynaa sidii aan uga hortegi lahayn.”

obaamaSidoo kale, wuxuu shirkiisa jaraa’id ku xusay weerarkii ay dadka badan ku naf-waayeen ee Al-shabaab ay la beegsatay Axaddii hore Hotel Jaziira oo Muqdisho ku yaalla, isagoo sheegay in weerarkaas uu ahaa mid nasiib-darro ah.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkaas uu ahaa mid ay ugu aar-gudayeen dad shacab ah oo ay ciidamada Itoobiya ku laayeen Gobolka Bakool ee Koonfurta Somalia. Iyadoo weerarkan uu dhacay xilli Obama uu ka tagayay Nairobi kuna socday Addis Ababa.

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in weerarkan uu fuliyay ruux Somail-Jarmal ah oo muddo ku noolaa dalka Jarmalka, kaasoo lagu magacaabo, C/risaaq Buux, iyadoo wasaaradda amnigu ay sheegtay inuu hayay ruux ku sugan Boorame.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment