Madaxweynaha “Taageerada Imaaraadka Carabta muhiim ayay u tahay dib u dhiska Soomaaliya”

Bulsha:- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Abu Dhabi kulan kula yeeshay dhaxal sugaha dowladda isutagga Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan.

Madaxweynaha oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Imaaraadka Carabta, ayaa kulankaasi kaga waramey xaaladda dalka Soomaaliya, iyo sida uu ugu qanacsan yahay taageerada ay xukuumadda iyo shacabka Imaaraadka Carabta la garab taagan yihiin dalka Soomaaliya.

Dhaxal sugaha dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Maxamed Bin Zayid Al Nahyan, ayaa sheegay in labada dal uu ka dhexeeyo xiriir qota dheer, isla markaana dalkiisa uu waajib ka saaran yahay inuu taageero hiil iyo hooba u fidiyo Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay waddan ay walaalo yihiin oo u baahan in dhinac kasta laga taageero, dagaaladii sokeeye ee dhacay kadib.

Labada dal ayaa kulankaasi ka caddeeyay inay xoojiyanaan iskaashigooda, sida dhinacyada maalgashiga, taageerada dib u dhiska, kaabeyasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Waxaa kale oo kulankaasi looga hadley muhimadda in nabad laga dhaliyo dalalka Carbeed ee colaadaha ay ka jiraan.


Kulankaasi waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda Cabdisalaam Hadliye Cumar, Wasiirka Gaadiidka Dhulka iyo Duulista Hawada , Cali Axmed Jaamac (Jangeli) , Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Imaaraadka Carabta, Dr Anwar Bin Maxamed Gargash iyo mas’uuliyiin kale oo labada dowladood ka socdey.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment