General Muqtaar Xuseen Afrax oo loo magacaabay Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Bulsha:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta digreeto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay taliye ku-xigeenada ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha  ciidanka  Booliska Soomaaliyeed  Sareeyo Gaas Maxamed  Sheekh  Xasan  Xaamud oo ka qeyb galay munaasabad ay ciidanka booliska ku sagootinayeen cutubto ka tirsan ciidanka booliska AMISOM, gaar ahaan kuwa dalka Burundi ayaa akhriyay digreetada lagu magacaabay ku-xigeenadiisa oo ku sheegtay inay tahay xeer Madaxweyne N0,51 magacaabis taliye xigeenka koowaad iyo taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, markii uu arkay Qodobka 87aad, farqadda 1aad Xaraf “C” iyo farqadda 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay Qodobka 90aad, Xarafka “B” ee Dastuurka Jamhuuriyadda Soomaaliya, Markuu arkay sharci Lambar 2 ee soo baxay 23/12/1973 kuna saabsan dhismaha ciidanka booliska Soomaaliyeed, Markuu tixgeliyay soo jeedinta ee Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo N0,-keedu yahay XRW00325 ee soo baxday 12/07/2015 kuna saabsaneyd soo jeedinta magacaabista taliye ku-xigeenka koowaad iyo taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed, markuu uu garwaaqsaday baahida loo qabo in la magacaabo taliye xigeenka koowaad iyo taliye xigeenka labaad ee ciidanka booliska, waxa uu Madaxweynuhu soo saaray  xeerkan,

Qodobka koowaad laga bilaabo marka uu Madaxweynuhu saxiixo xeerkan, waana saxiixanyahay waxaa sareeye guuto Mukhtaar Xuseen Afrax loo magacaabay in uu noqdo Taliye ku-xigeenka ciidanka booliska Soomaaliyeed, sidoo kale sareeyo guuto Bashiir Cabdi Maxamed waxaa loo magacaabay in uu noqdo taliye ku-xigeenka labaad ee ciidanka booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka booliska oo digreetada akhriyay.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment