Daawo:- Wiil uu Adeer u yahay Bishaar Al Assad oo dilay Sargaal Sare iyo Xiisad arintaasi ka dhalatay

Bulsha:- Xiisad iyo dibad baxyo waa weyn ayaa ka dhashay dil bareer ah uu Sargaal caan ka ahaa Dowlada Siiriya uu u geestay Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha talada dalka Siiriya haya Bashaar Al Assad.

Magaalada Latakiya ee waqooyiga Galbeed dalka Siiriya waxaa ka dhacay banaanbaxyo ay dhigayeen dadka calawiyiinta ah , kuwaa oo kasoo horjeeday Dowlada Madaxweyne Bishaar Al Assad, waxa ayna dadkan kasoo horjeedeen dilka uu geestay wiilka uu adeerka u yahay Madaxweynaha.

Wiil uu adeer u yahay Madaxweynaha Dalka Siiriya oo lagu magacaabo Sulaymaan Al Assad ayaa jimcihii lasoo dhaafay dil bareer ah u dilay Col.Hassan Al Sheikh oo kamid ahaa Saraakiisha sar sare ee Dowlada Siiriya.

Dilka ayaa yimid kadib markii gaari uu watay Sulaymaan Al Assad uu baasay gaari kale uu watay Col.Hassan Al Sheikh kaa oo hor joogsaday gaariga wiilka uu adeerka u yahay Bishaar,waxaana dhacday in Sulaymaan Al Assad uu kasoo dago gaariga uuna dilo sargaalka gaariga ku horgooyay.


Sulaymaan Al Assad oo watay gaari nuuciisu yahay Hummer ayaa ka carooday gaariga uu sargaalka watay oo jidka xiray, waxa uuna xiligaa kadib lasoo baxay qoray AK-47 uu watay sidaana 7-xabadood kula dhuftay Col.Hassan.

Boqolaal qof oo kamid ah Dadka Calawiyiinta ah ee taagerrsanaa Xukuumada Siiriya ayaa dhigay bananabaxyo ay uga soo horjeedaan dilkan, waxa ayna ugu baaqeyn Dowlada Bishaar Al-Aasd in ay soo xirto gacan ku dhiiglaha dilka u geestay .

Waa markii ugu horeesay ay dadka calawiyiinta ah ay dhigaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Dowlada Bishaar Al Asad, waxaana marar badan qeybo kamid ah Dalka Siiriya dilal iyo fal dambiyeedyo kale ka geestay xubno katirsan Qoyska Madaxweynaha.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment