Daawo Sawirada Gabar in ay dhimatay loo qaatay oo laasay, kadibna qabriga laga soo saaray iyada oo nool !!

Bulsha:-  Neysi Perez, ayaa wax ay aheyd gabar toban iyo lix jir ah oo u dhalatay wadanka Honduras, gabadhan waxa ay laheyd uur lix bilood, Neysi Perez ,xili ay musqusha gurigooda gashay waxa ay maqashay rasaas dhaceysa , waxa ayna ka qaaday naxtin sababtay in ay dhacdo.

Gabadhan oo miirkii ka tagay loona qaatay in ay geeriyootay ayaa loo qaaday dhanka isbitaalka, dhaqaatiirta ayaa baaris kadib waxa ay shaaciyeen in ay geeriyootay , waxaana xiligaa kadib la go’aansaday in gabadhaasi la aaso.

Waxaa dhacday aaska gabadhaasi kadib arin la yaabka leh, kadib markii ninkii qabay gabadhan dhalinyarada ah uu booqday qabrigii lagu aasay maalintii labaad, waxa uuna maqlay qeylo dheer oo kasoo yeertay qabriga gudihiisa halkaas uu isaga oo qeylinayay caawinaad ku weydiistay dadkii deegaanka, waxaan isugu yimid qabrigaa dadka deeganka oo burburin ku bilaabay si ay uga soo saaraan, kadib waxa ay ku guulesteen in isbitaalka loola cararo wallow nasiib darro mar labaad ay dhaqaatirka shaaciyeen in ay geeriyootay gabadha Neysi Perez.

Gabadhan ayaana markii Isbitaalka la geeyay nooleed mudo sadax saacadood inkastoo markii dambe ay geeriyootay , waxa ayna arintan mar kale naxtin ku beertay qoyska gabdhaasi oo farxad dareemay markii gabadhooda qabriga laga soo saaray iyada oo nool.

Carolina Perez, oo ah gabadha adeerkeed ayaa yiri ‘ aniga ayaa gacmaheega kusoo qabtay markii qabriga laga soo bixiyay jirkeeda waxaa ahaa mid diiran wax isbadal ah ma jirin ayada oo duugneyd hal maalin, waxaa la mooday qof hordo kasoo kacay”




Dhanka kale dhaqaatiirta la tacaalaysay xaalada gabadhan ayaa sheegay in markii hore uu wadnaha istaagay laakin kadib ay soo naaxday wallow nasiib daro ay u dhimatay ugu danbeyntii oxygen la’aan ay ka qaaday qabigii lagu aasay.

Hooyada dhasha gabadhan geeriyootay ayaa dhaqaatiirka ku aadaysay inay ku dag dageen markii hore shaacinta in Neysi Perez ay geeriyotay laguna dag dagay in la duugay ayada oo nool,.

Dhacdadan ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo wadanka ay ka dhacday ee Honduras, Warbaahinta caalamka ayaana si weyn warbixintan layaabka leh uga faalooday.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment