AQRISO: Fadeexad ku soo baxday Booliska South Africa

Bulsha:- Sideed askari oo ka tirsan booliska Koonfur Afrika ayaa lagu helay dembi ah in ay dileen darawal taksi oo u dhashay dalka Mozambique.

Darawalka ayaa dhintay kaddib markii lagu daba xiray gaari ay booliska leeyihiin.

Dilka oo ka dhacay magaalada Johannesburg sanadkii 2013-ka ayaa waxaa lagu duubay telefoon uu watay qof goobjooge ahaa, waxaana arrintaasi ay dhalisay caro ballaaran.

Xaakimka kiiskan ayaa sheegay in booliska ay u cadeyd in ninka uu dhimanayo, kaddib markii ay ku jiideen gaarigooda asagoo gacmaha ka jeebeysan.

Askarta ayaa diiday in ay dembi galeen, waxaana ay ku doodayaan in ninka uu ka dhacay gaarigii ay ku wadeen.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment