Daawo Sawirada:- Booliiska Gaarisa oo mar kale gacanta ku dhigay hub badan iyo rag Shabaabnimo lagu tuhmayo

Bulsha:-  Ciidamada booliiska Magaalada Gaarisa ayaa xalay xaafad katirsan Magaaladaasi waxa ay ku qabteen hub aad u badan iyo rag la tuhmayo in hubkaasi lahaayeen kana tirsan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab.

Madaxa Ammaanka Gobolka Waqooyi Bari Maxamuud Saalax oo la hadlay Idaacada BBC-da ayaa sheegay in hubkan oo aad u tiro badan kasoo qabteen guri kuyaala Magaalada Gaarisa, waxa uuna intaa raaciyay in ciidamada ay xireen rag lagu tuhmayo Shabaabnimo oo hubkaasi guriga laga helay ku sugnaa.

Maxamuud Saalax ayaa sheegay xogta ay hubkan kusoo qabteen in ay ka heleen xubno maalmo kahor laga xiray Magaalada Gaarisa, waxa uuna tilmaamay hubkan xalay la qabtay in uu ka badan yahay kii maalmo kahor ku qabteen Magaalada Gaarisa.

Ciidamada amaanka Magaalada Gaarisa ayaa wada howlgalo ay ku raadinayaan rag la tuhmayo in ay katirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab iyo hub si dhuumalaeesi ah loogu duugay xaafado katirsan Magaalada Gaarisa.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment