Daawo:- Mo Farah oo mar kale ku guuleystay Orodka 5000 mitir ee Tartanka ciyaaraha fudud ee Beijing


Bulsha:- Mo Farah ayaa mar kale dhigay taariikh, isagoo ku guuleystay orodka 5000 mitir, waxaa todobaadkii hore ku guuleystay Orodka 10,000 mitir.

Orodyahankan ayaa wali sii wata guulihiisa is daba-jooga, isagoo sanadihii 2012 ee Tartankii Olimbikada iyo Tartankii ciyaaraha fudud ee Moscow ka dhacay sanadkii 2013 ku guuleystay labo biladood.

Mo Farah ayaa waxaa shaki la gelinayay sida uu tartanka 5000 mitir ugu guuleysan karo, maadaama xafiiltan aad u adag uu kala dhaxeeyay orodyahano u dhashay dalalka Kenya iyo Itoobiya.

Orodyahanka u dhashay Kenya Caleb Ndiku ayaa tartankii ciyaarihii Commonwealth ku guuleystay orodka 5000 mitir, iyadoo Ndiku uu hogaanka qabtay wareegii labaad ee tartanka, waxaase dhacday in Mo Farah uu la soo baxay tallaabadiisa dheereeyd, iyadoo wareegii ugu dambeeyay uu ka hor maray.

Orodyahankan asalkiisa Soomaaliga yahay, balse heysta dhalashada British-ka ayaa shan jeer qaaday bilada dahabka, waxaana uu horay u qaaday Orodada 5-ta kun iyo 10-ka kun ee Orodka.

Markii uu ku guuleystay orodka 5000 mitir ayuu muujiyay calaamad ah inuu mar kale filanayo in canug loo dhalo, kadib markii uu suulkiisa nuugay.












_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment