Axmed Madoobe oo xaalka ku xun yahay & Nabadoon caan ah oo baaq soo saaray..

Bulsha:- Suldaan C/laahi waamo oo kamid ah Suldaanada Daga Gobolada Jubooyinka ayaa ka hadlay dhibaatooyinka mudooyinkaani danbe ka taagan Deegaanada Maamulka Jubbaland.

Waamo ayaa sheegay in la gaaray xiliga Odayaasha dhaqanka waxa uuna ku baaqay Dagaal ka dhan ah Maamulka Jubba, Kenya iyo Ciidamada Ethiopia ka jooga deegaanadaasi.

Waxa uu sheegay in dadka deegaanka looga baahan yahay inay ku dhiiradan baadi goobka Xoriyada, kadib markii uu sheegay inay dhexda u galeen Seddex gumeysi.

C/laahi waamo ayaa sidoo kale sheegay in aysan arintaan loogu dan laheyn arimo qabiil laakin la joogo xiligii Gobolada Jubooyinka laga Xureyn lahaa ciidamada Ethiopia, Kenya iyo kuwa Jubbaland ee jilaaya dhaqamada Ciidamada labadaasi Dowladood.


Ciidamada is baheysanaaya ayuu sheegay inay bilaaben xadgudubyo loo geysanaayo Beelaha qaar, waxa uuna farta ku goday in dhibaateyntaasi ay si gaar ah u saameysay dhalinyaro magac ku leh Deegaanada.

Haddalka waamo ayaa imaanaya xili Ciidamadaasi, ay godofalo u geystaan Siyaasiyiinta iyaga oo u hiilinaaya Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment