Bulsha:- Ciidamada huwanta oo saakay gudaha u galay degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kadib markii shalay gelinkii dambe ay ka baxeen xoogagii Al-Shabaab oo halkaasi ka talinayay.
Sida ay sheegayaan wararka ciidamada is garabsanaya oo xalay ku hoyday meel 5-KM u jrta Diinsoor ayaa la sheegay in saaka gudaha usoo gallon degmada Diinsoor.
Sarkaal u hadlay ciidanka dowladda oo la hadlay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidanka ay howlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan xaafadaha ay degmada Diinsoor ka kooban tahay.
ciidamada-itoobiya
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada ay hakiyeen miinooyinka Al-Shabaab wadada ku aaseen, waxaana saraakiisha ay tilmaameen inay miinooyinkaas ka saareen.
Xaalada Diinsoor ayaa ah mid degan, mana jirto wax rasaas ah oo laga maqlay, iyadoo degmada ay maalmihii u dambeeyay ay ka barakaceen boqolaal qoysas ah.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa guluf ugu jiray maalmihii la soo dhaafay, sidii ay u qabsan lahaayeen Baardheere iyo Diinsoor oo ay aad ugu xooganaayeen Al-Shabaab.
Degmada Diinsoor ayaa aheyd degmadii u dambeysay ee Al-Shabaab kaga sugnaayeen Gobolka Baay, waana degmadii labaad oo 48-saac gudahood gacantooda ka baxdo, kadib qabsashadii Baardheere ee maalin ka hor.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment