Bulsha:- Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo kamid ah Siiyaasiinta/Saraakiisha Soomaaliyeed ayaa ka hadlay waxa soo cel celiya Khilaafka dhexmara Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulada Puntland iyo Jubbaland.
Yuusuf Maxamed Siyaad ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u jilicsan tahay Maamuladaasi islamarkaana ay bartay Sad aysan laheyn oo ay raadinayaan.
Wuxuuna yiri ‘Dowladda fedraalka Soomaaliya iyada ayaa halkaan gaarsiisay Maamulada Puntland iyo Jubbaland,waayo waxaa ay u sameeysay wax aan loo sameyn Maamulada kale ee ka jira dalka,iyada oo raadineysa Maslaxada Dalka,balse Puntland iyo Jubbaland waxaa ay rabaan waxii la baray.1114
“Madaxda dalka ayaa heerkaan gaarsiiyay Tusaale Ra’iisul wasaaraha Qaranka oo ku sugan Garowe ayuu Cabdi Wali Gaas ka dhaqaaqay o Kenya ka aaday,taas miyaan aheyn in la baray wax aan la barin Maamulada kale?”.
Wuxuu Sidoo kale sheegay in Sababta ay Puntland uga maqneyd Shirka New Deal ee Muqdisho lagu soo afjaray ay tahay maxaa loo sameeyay Maamulka Galmuudg, waxuuna intaa ku daray in aysan suuro gal aheyn in Maamul loo dumiyo Maamul kale.
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaan ka maqnaa Shirkii (NEW DEAL) Caalamiga ahaa ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment