Dowladda Federaalka oo Lagu Soo Wareejiyay Furihii Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Talyaaniga (SAWIRRO)

Bulsha:- Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga ayaa muddo sanado ah waxa ay ku jirtay Gacanta dad ganacsato ah oo u dhashay dalka Talyaaniga, ugu danbeyntii waxay Maxkamad ku taala Magaalada Roma ee Caasimadda dalka Talyaaniga ay go’aamisay in Dhismaha Safaaradda dib loogu celiyo gacanta Dowladda Soomaaliya.

Danjiraha Somaliya u fadhiyo Wadanka Talyaaniga, Danjire. Muuse Xasan Sheekh iyo Soomaalida ku nool Magaalada Roma, ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii ay dib gacanta Somalida loogu soo celin lahaa Safaaradda.


Dhismaha Safaaradda, ayaa waxaa saddexdii sano ee ugu dambeysay laga kireeyay ganacsato, markii ay heshiis wada gaareen Diblomaasiyiin Somaliyeed oo horey uga tirsanaa Safaaradda.





Safaaradda ayaa muddo sanado ka dib waxaa shalay dib looga taagey Calanka Jamhuuriyadda Somaliya, iyadoona ay soo dhaweysay bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan dalkaasi.

Danjire Muuse Xasan Sheekh, ayaa warbaahinta u sheegay inay Maxkamaddu amartay in dib Soomaliya loogu celiyo Dhismaha Safaaradda, isagoo intaa raaciyay inay la wareegen furihii Safaaaradda.





_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment