Gaas & Axmed Madoobe oo hanjabaad u jeediyay Xasan Sheikh & Garoowe oo..

Bulsha:- Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, halkaasi oo maalmihii ugu dambeeyay la hadal hayay inuu tagayo.

Ujeedada safarkiisa ee magaalada Garoowe ayuu ku sheegay iney tahay sidii ay kaga arinsan lahaayeen khilaafka labada maamul kala dhaxeeyo dowlada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay iney maalmaha soo socda ku sugnaan doonaan magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, ayna go’aan cad kasoo saari doonaan wadahadalkooda.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali gaas ayaa dhankiisa sheegay in safarka Axmed Madoobe ee Garoowe ay muujineyso xiriirka ka dhaxeeyo Puntland iyo Jubba.

Wuxuu si cad u sheegay iney wanaajin doonaan xiriirka ka dhaxeeyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, sida uu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment