Bulsha:- Magaalada Muqdisho ayaa maanta ah mi degan ka dib markii Xalay ay ka dhaceen labo weeraro oo is xig xiga ku waasoo lagu qaaday Hoteelada Weheliye iyo Siyaad,
Inkastoo Xaalada guud ee Magaalada Muqdisho ay tahay mid degan, ayaa hadana waxaa maanta muuqata raadadkii ay reebeen qaraxyadii iyo dagaaladii shalay maqribkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Warbaahinta Muqdisho ayaa Soobandhigtay meydadka labo ruux oo la sheegay inay yihiin raggii soo weeraray Hoteelka Wehliye ee Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo meydkooda ay yaalleen qaybta dambe ee Hoteelka.
Dowladda Somalia ayaa sheegtay in la laayay dhamaan raggii soo weeraray labada Hoteel halka qaarkoodna ay is qarxiyeen.
Sidoo kale Hotelka Siyaad oo Khasaaraha ugu badan uu soo gaaray dhanka Burburka iyo hantida Hoteelka ayaa hortiisa waxaa ka socotay nadiifin iyo Uruurinta baabuurkii qarxay iyo darbiga Hoteelka ee dumay.
Shaqaalaha Nadaafada Dowladda hoose ee Xamar ayaa bilaabay Xaaqida iyo nadiifinta wadada uu qaruxu ka dhacay, maadaama Hoteelkaan uu ku yaallo laamiga Madaxtooyada hormara, waxaana si deg deg ah loo soo celinaya bilicdii ay goobtaasi laheyd.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment