Damul Jadiid oo Fariimo Digniin ah Moobeelada ugu diray Xildhibaanada Galmudug !! (Aqriso Fariintaasi)

Bulsha:- Wararka aan ka heleyno Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Magaaladaasi si weyn looga hadal hayo fariimo rag Masuuliyiin ah oo katirsan Dowlada Soomaaliya kana tirsan Ururka Damul Jadiid u direen Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug.

Fariinta Moobeelada loogu diray Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka Galmudug ay direen Xubno sare oo katirsan Damul Jadiid ayaa looga digayay in Madaxweynaha Maamulkaasi ay u doortaan cid aan aheyn Musharax Cabdi Kariin Xuseen Guuleed.

Fariinta oon helnay ayaa u qorneed sida tan’’ Maamulka Galmudug waa gobol iyo bar, qof aan anaga aheeyna kama dhigi karto labo gobol, marka waa lagu qasban yahay in loo doorto musharaxa mr guuleed.Hadii Abdikariin la dooran waayo waxaa balan ah in aanan aqoonsan doonin maamulka Galmudug ”

Waxyaabaha kale ee Fariinta ay direen Masuuliyiinta Damul Jadiid katirsan kamid ah ‘’Hadii aad dooran weeysaan Musharax Abdikariin hadaba ogaada wax mushaar ah ma heli doonaan xildhibaanadda Galmudug ‘’

Fariintan ayaa noqotay mid aad looga hadal hayo Magaalada Cadaado, waxaana la sheegay in Ururka Damul Jadiid oo ka quustay taageerada Xildhibaanada Baarlamaanka Galmdug ay bilaabeen in Xildhibaanada ku kasbadaan in heli doonaan Mushaar ,balse hadii aysan dooran Cabdikariin ugu hanjabay in ay waayi doonaan Mushaar sidoo kale Maamulka Galmudug uu noqon doono mid fadhiid ah .

Magaalada Cadaado waxaa hada kasocda ololihii ugu dambeeyay ay wadaan Musharixiinta u taagan Doorashada Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo la filayo in maalinta Sabtida ah ay ka dhacdo Magaalada Cadaado.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment