Bulsha:- Musharaxa Madaxweynaha Maamulka Galmudug C.kariin Xuseen Guuleed ayaa Maanta deeq lacageed gaarsiiyey Agoonta degmada Cadaado ku waas oo kujira Xero lagu Xanaaneeyo oo kutaala degmada Cadaado, waxa uuna Musharaxa uu maanta si weyn u kasbaday quluubta bulshada kunool Degmadaasi.
Musharax C.kariin Xuseen Guuleed ayaa sidoo kale wuxuu balan qaaday inuu daweyn doono dhawr Carruur ah oo burooyin kaga yaalaan meelo kala duwan waxaana Maamulka Xarunta Agoonta Cadaado kaga mahada celiyeen deeqdaan Lacagta ah ee uu soo gaarsiiyey ilmaha Agoonta ah ee ay gacanta ku hayaan.
Waa musharaxii ugu horeeyey ee ka mid ah musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug oo deeq lacageed soo gaarsiiya agoonta degmada Cadaado.
C.kariin Xuseen Guuleed ayaa ah Musharaxa ugu cad cad ee la flayo in uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, waxa uu kasbaday taageerada bulshada ku dhaqan Gobolada Dhaxe iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee matala Bulshadaasi.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment