XOG Axmed Madoobe & Gaas oo iska kaashanaayo burburinta sharciga dalka

Bulsha:-  Iyadoo go’aankii 6-da bishan ka soo baxay baarlamaanka DFS lagu sheegay in baarlamaanka Jubbaland uusan ahayn mid sharci ah, ayaa waxaa soo bidhaamayay heshiisyo is xulufeysi ah oo ay muujinayaan Maamulada Jubbaland iyo Puntland.

Hogaamiyayaasha Jubba iyo Puntland oo iyagu ka didsan go’aankaasi ayaa iminka bilaabay Qorshooyin Guracan, oo ay ku doonayaan inay ku carqaladeeyaan Hanaanka Dowladda Federaalka ah ee Somalia ay dalka ku maamuleyso.

Labada Hogaamiye ayaa isku balansanaaya kulan wada jir ah oo ay uga arinsanayaan talaabada DF Somalia iyo sida ay uga gaashaman lahaayen go’aanadaasi, waxaana lagu soo waramayaa in labada Mas’uul ay qorsheynayaan in marka hore ay wada kulansiiyaan Xubnaha ugu sareeya labada gole ee Baarlamaanka jiritaankiisa la beeniyay iyo kan Puntland.

C/weli Gaas oo garab Siyaasadeed u muujinaayo Hogaamiyaha Jubbaland, ayaa waxa uu xiligaani xooga saarayaa sidii DF Somalia ay dib uga laaban laheyd Go’aanka laga gaaray BJ, isagoona Axmed Madoobe u ballanqaaday in marka hore uu bixinaayo talooyin ku socda DF, hadii uu ku gacanseerana uu ku dhawaaqi doono in markale Puntland ay xariga u jareyso DF.

Waxaa la filayaa in labada Hogaamiye mid kood uu u martiyeeyo kan kale si ay qaraar uga soo saaran kulankooda ku aadan ka dhiidhinta inaysan ku qanacsaneyn go’aanka BF uu ku qaadacay jiritaanka BJ.

DF Somalia ayaa iminka is weydiineysa baahiyaha keenay in Maamulka Puntland ay faragalin ku sameyso Khilaafka ka dhex taagan BF iyo BJ, waxa ayna taasi ku sheegen mid muujineysa is xulufeysi salka ku hayo arrimo laga soo gudbay xili hore oo sababna u ahaa burburka Somalia.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa maalin ka hor shaaciyay inay jareen xirrirka kala dhexeeya DF Somalia, islamarkaana Saraakiisha iyo Mas’uuliyiinta Dowlada ka jooga Kismaayo soo eryay, halka Maamulka Puntland uu ka cambaareeyay go’aanka lagu laalay BJ.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment