Waxaa Lasoo Saaray Tirada qaxootiga ee sanadkan Yurub gaaray

Bulsha:-  Laba hay'adood oo caalami ah ayaa sheegay in tirada muhaajiriinta ee yurub tagay ee ka gudbay mediterraneanka ay ilaa hadda kor u dhaafeen 100,000 sannad gudihiis.

Hay'adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay iyo Hay'adda caalamiga ah ee socdaalka adduunka ayaa bixiyey tirooyin isku mid ah oo muujinaya qaxootiga gaaray Talyaaniga iyo Giriigga, halkaas oo ay inta badan muhaajiriintaasi ka dhul bilaabeen.

Hay'dda caalamiga ah ee socdaalka Adduunka ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano IOM, waxay sheegtay in tiradaas ay muujinayso xoogaa sare u kac ah marka la barbar dhigo, isla wakhtigaas sannadkii hore, oo muhaajiriintu ay badnaayeen, laakinse waxaa la filayaa in dadka badda ka gudbaya ay sii bataan bilaha soo socda.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment