Wararkii Ugu Dambeeyay Weerar Ismiidaamin ah oo lagu qaaday Kolonyo ay la socdeen Saraakiil Imaaraadka Carabta

Bulsha:- Waxaa Goordhaw Weerar Ismiidaamin ah lagu qaaday Kolonyo Gaadiid ah ay la socdeen Saraakiil katirsan Dowlada Imaaraadka Carabta xili ay marayeen inta u dhaxeysa Isbitaalka Xooga Isgooska Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho .

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay gaari Cabdi Bille ah oo kamid ahaa Gawaari Dagaal oo ilaalinayay Saraakiil u dhalatay Dalka Imaaraadka Carabta oo la sheegayo in uu ku jiro Safiirka Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya.

In ka badan 12-qof oo isugu jira Ciidan iyo shacab ayaa ku dhintay Weerarkaasi ismiidaaminta ahaa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad kale oo aad u badan kuwaa oo loola cararay Isbitaalo kuyaala Magaalada Muqdisho.

Wariye Goobta qaraxu ka dhacay tagay ayaa soo sheegaya in Weerarka Ismiidaaminta ah uu ka dhashay qasaarooyin aad u xoogan, waxa uu tilmaamay in halka qaraxu ka dhacay ay aheed goob mashquul badan ay xiligaasi dad badan ku sugnaayeen.


Lama oga in qasaaro uu qaraxaasi kasoo gaaray Saraakiishii Imaaraadka Carabta ahaa ee lasocday kolonyada la weeraray, waxaana goobta uu weerarku ka dhacay Ciidamo katirsan Dowlada kuwaa oo dadka ku kala eryayay rasaas.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay Masuuliayada Weerarkaasi , waxaana Afhayeen u hadlay kooxdaasi uu sheegay in Weerarka ay la beegsaeen diplamaasiyiin ajaaniib ah oo ku sugnaa Magaalada Muqdisho.

Dowlada Soomaaliya ayaan dhankeeda ka hadlin Weerarkan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee lagu beegsaday Saraakiil Imaaraadka Carabta u dhashay, waxaana Weerarkan imaanayaa xili Al-Shabaab kordhiyeen Weerarada ay ka geesanayaan Goobaha ay Dowlada kataliso.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment