Muslimiinta UK oo diiday yareynta saacadaha soonka

Bulsha:- Urur islaami ah oo ka mid ah ururada ugu waaweyn dalka Britain ayaa sheegaya in muslimiinta dalkaasi ay iska yareeyaan saacadaha soonka inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaanka, oo la filaayo inay bilaabato isbuucaan.

Sheikh ka tirsan ururka ladagaallinka xagjirnimada oo lagu magacaabo Dr Usama Xasan, ayaa sheegay in soomidda qorax soobaxa illaa gabaldhaca ay dhibaato noqon karto.

Arrintaasi waxa uu sabab uga dhigay in ay adagtahay in illaa 19 saacadood ay dadka soomaan oo ay iska daayaan cunnada iyo cabitaanka.

Dr Xasan ayaa sheegaya in isbedel uu micno sameynaayo, taas oo uu ula jeedo in dadka ay afuraan ka hor inta qoraxda aysan dhicin.

Laakiin uslimiin badan oo ku nool Britain ayaa arrintaasi ka soo horjeestay, waxa ayna sheegeen inay raacayaan sida uu yahay waqtiga dalka ay ku nool yihiin.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment