Bulsha:-Maamulka Jubbaland ayaa bilaabay dhismaha xabsi cusub oo noqon doono midka ugu weyn ee gobolada Jubbooyinka uu yeesho.
Xabsigan oo dhismahiisa ay iska kaashanayaan maamulka Jubba iyo ganacsatada Kismaayo ayaa waxaa dhismahiisa laga bilaabay dacasha xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo.
Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Maamulka Jubbaland C/qaadir X. Maxamuud Lugadheere, ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uu garowsaday inuu xabsiga halkaan ka dhiso, maadaama muhiim ay tahay in la helo goob nidaamsan oo lagu carbiyo dambiilayaasha lasoo xiro.
Wuxuu sheegay xabsigaan inuu noqon doono mid muhiim u ah ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhowrista xuquuqda maxbuuska.
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom





Blogger Comment
Facebook Comment