Mareykanka oo xoojinaya saldhiga Milateri uu ku leeyahay Kismaayo

Bulsha:- Sida lagu daabacay Wargeyska The Standard ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ee dalka Kenya, Dowlada Mareykanka ayaa ciidamo iyo qalab dheeraad ah u soo direysa saldhig Milateri oo ay ku leeyihiin Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

Saldhiga Mareykanka wuxuu ku dhex yaal Dekada Kismaayo halkaasoo uu kala socdo dhaq dhaqaaqa xoogaga Islaamiyiinta Soomaaliya,islamarkaana ay ka qaadaan weerarada loo adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

2013 ayaa la sheegay in Mareykanku soo degay oo fariisin ka sameystay Dekada Kismaayo iyadoo ilaa xiligaasi Mareykanku ku sii balaaranayay saldhigaan.

Ujeedada ugu weyn ee Mareykanka ayaa ah inuu u adeegsado saldhigaan dhanka sirdoonka ,iyo fulinta weerarada lala eego madaxda alshabaab,sidoo kale saldhigaan wuxuu xiriir la leeyahay ciidamada shisheeye ee dalka ka howlgala kuwaasoo magaca amisom ku howlgala madaama Mareykanku markii horaba ka danbeeyay qorshaha Amisom lagu keenay Soomaaliya.

Dhanka kale waxaa jira dad u dhashay Mareykanka oo ka bar bar dagaalama alshabaab iyo kuwa dhanka tiknoolajiyada ka saacida gaar ahaan Video-yada Alshabaab soo dhigaan Internetka. 








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment