Kenya oo sheegtay ineey qaadeyso Xayiraada Xawaaladaha

Bulsha:- Dawladda Kenya ayaa muuujisay inay diyaar u tahay in la qaado xayiraaddii lagu soo rogay 13 shirkadood oo ah kuwa ka shaqeeya dirista lacagaha ama xawaaladaha.

Hadalkan waxaa jeediyey madaxeynaha Kenya Uhuru Kenyatta munaasabadda curashada bisha Ramadaan. Kenyatta ayaa amray bangiga dhexe ee Kenya inuu soo saaro shuruuc isla markaana uu qaado xayiraaddii la saaray shirkaddaha lacaga dira.

Shirkadahan ayaa xayiraadda la saaray kadib weerarkii ay Al-Shabab ku qaadday Jaamacadda Gaarisa bishii Apriil ee sannadkan.


Maamulaha guud ee Shirkadda Dahabshil, Cabdirashiid Dahabshil ayaa VOA u sheegay in talaabadan ay tahay mid lagu farxo.

Dhinaca kale, dadka dagan Kenya ayaa soo dhaweeyay go’aanka xayiraadda looga qaadyo shirkaddaha xawaaladaha.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment