Cabdiweli Gaas: “aqbali mayno federaal khilaafsan dastuurka dalka” Sawirro

Bulsha:- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas” oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 35 ee Golaha Wakiillada Puntland ayaa sheegay in aysan aqbali doonin nidaamka federaalka haddii uu noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka u degsan iyo heshiisyadii horay loo gaarey.

Cabdiweli Gaas ayaa sheegay in Puntland hormuud u tahay federaalka Soomaaliya, sidaasi darteedna aysan qaadan doonin wax ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee dhibaato u geysaneysa mamamulidii jiray waa in dib u eegis lagu sameeyaa ayuu yiri Gaas.

Cabdiweli Gaas wuxuu intaa raaciyay “Haddii qaabka hadda federalismka loo wadaa noqdo mid ka hor imaanaya shuruucda dalka, dhibna u geysanaya maamulladii jirey, waxaa imaaneysa in dib u eegis lagu sameeyo wax kasta oo lagu heshiiyey…dowladda Puntland waxay ka digeysaa in lagu xad gudbo dastuurka iyo qawaaniinta dalka”

“Soomaaliya waxay ku heshiisay nidaamka federalismka…dastuurka federaalkuna wuxuu qeexayaa qaabka iyo sida dastuurka federaalku uga hirgeli karo Soomaaliya, Puntland waa aabihii iyo hooyadii faderaalka Soomaaliya, waxayna ku hamineysey mar walba Soomaaliya oo ku mideysan habka federaalka” ayuu yiri.

Sidon kale khubadii uu Madaxweynaha Puntland ka jeediyay furitaanka kalfhadiga 35aad ee Golaha Wakiilada wuxuu kusoo qaatay arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen waxqabadkii maamulkiisa ee lixdii bilood ee ugu dambeeyey.

Arrimo badan ayuu xusay in xukuumadiisa wax ka qabashadooda ku guuleysatey, qodobada uu sida gaarka ah u taabtay waxaa kamid ahaa:

Xoojinta amniga
Kobcinta dhaqaalaha.
Tayeynta ciidamada.
Xoojinta xiriirka caalamiga ah.
Horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.
Dhiirigelinta maalgashiga iyo wax soo saarka gudaha.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Siciid Xasan Shire, ayaa isna xusay in goluhu si hufan u gudan doono wajibaadkiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin u qareemista shacabka iyo la-xisaabtanka xukuumadda.

Ajandayaasha u degsan goluhu kalfadhigan kaga doodi doona waxaa kamid ah, xisaab-xirka miisaaniyadda Puntland ee 2014, xaaladda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda dowladda federaalka.









_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment