Hurdada galabtii oo Laga helo Caafimaad, ee ha u daymo la’aan.

Bulsha:-  Indha-casaysi waxaa loo yaqaanaa hurdada wakhtiga gaaban ee maalintii. Waxaa hurdadaasi laga faa’idaa caafimaad aad u wanaagsan, daraasad caafimaad oo la soo saaray ayaa sidaasi muujisay.

Daraasadan oo lagu soo dabacay bogga arrimaha caafimaadka ka waramay ee Al-arab, waxaa ay tilmaamtay hurdada waqtiga gaaban ee maalintii aad inay muhiim ugu tahay qofka.

Hurdada laga hadlayo ma aha mida habeenkii ee wakhtiga dheer. Waa mida maalintii dadka qaar ay seexdaan waana waqti kooban oo hurdo ah.

Waxaa ay sheegeen Dhaqaatiirta soo saartay daraasaddan, inta ugu fiican in ay tahay 20 daqiiqo in uu qofka hurdo maalintii. Waxaa kale oo ay tilmaameen 15 daqiiqo ama xittaaa 5 daqiiqo oo kaliya in ay ku filnaan karto qofka in uu hurdo maalintii.

Waxaa loo qaybiyay saddex:hurda wakhtigeedu dheer yahay, oo la seexdo 30-daqiiqo iyo wax ka badan;

hurda dhex-dhexaad ah, 5 ilaa 30 daqiiqo; iyo hurdada gaaban (indho-gaduudsi) mudo 5 daqiiqo iyo wax ka yar








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment