Bulsha:- {warka24} Hadaba maanta waxaynu idii heynaa faa’iidada basbaaska Daraasad caafimaad oo ay so saareen khubaro u dhashay dalka Maraykan ah, ayaa daah-furta in cunista basaas-qajida laba jeer toddobaadkii ay yarayn karto khataraha cudurrada sababa in muruqyada jidhku dabcaan oo afka qalaad lagu yidhaa Parkinson Disease.
Hadaba Khubaradu waxa ay sheegeen in qofka cuna cuntooyin ka kooban qarji, tamaandho iyo baradho uu ka badbaado halista cudurka keena in muruqyada jidhkiisu dabcaan.
Lakin Daraasadayadani waa tii ugu horraysay ee baadhitaan ku samaysa cuntada ay ku jirto Nicotine iyo siday u yarayso khatarta cudurka ku dhaco muruqyada islamarkaane dabciya.
Sidoo kale, daraasado badan oo hore ayaa caddeeyey in cabbista sigaarka iyo buurigu ay yareeyaan cudurkan la yidhaa Parkinson, waxaanay maxsuulka cilmi-baadhistayadu soo bandhigay in maadada nikotiintu cudurkan ka hortagto, gaar ahaan waxa ay si khaasah culayska u saartay qajida.? Sidaa waxa tidhi Dr. Susan Searles Neilsen oo ka tirsan Jaamacadda Washington.
Ha yeshee Daraasaddan cusub oo lagu daabacay wargeyska Annals of Neorolog oo lagu baadhay 490 bukaan ah oo qaba cudurka Parkinson?s Disease amma xannuunka muruqyada dabciya, kuwaas oo la weydiiyey noocyada cuntooyinka ay cunaan iyo in ay isticmalaan qiijinta tubaakada.
Dhanka cilmi-baadhistan lagu sameeyey 644 qof oo iyagu ka fayow cudurkan, balse waxa la ogaaday in dadka khudaarta qajidu ku badan tahay isticmaala inay xannuunkan ka badbaadaan, sidoo kalena waxa iyaguna ka fayo-qabo dadka aadka u isticmaala cabbista sigaarka amma tubaakada.
Haseyeeshee, Mrs. Claire Bale oo ah ururka caawiya dadka cudurka Parkinson hayo ee dalka Ingiriiska, ayaa tilmaantay in cilmi-baadhistani tahay mid aad u yar oo u baahan in la sii faahfaahiyo.
Si kastaba ha ahaatee Daraasaddani waa mid aah u yar oo ku saabsan oo keliya dad aan ka badnayn 1,000 ruux, lagumana kalsoonaan karo, cilmi-baadhista noocan ahna waxay u baahan tahay in dad aad u tiro badan laga ururiyo amma baadhitaan lagu sameeyo,? ayey tidhi Mrs. Claire Bale
_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Blogger Comment
Facebook Comment