Talaabooyinka Wiilasha Ay Qaadaan Marka Ay Wax Jeclaadaan, iyo Gabdhah oo Ogolada iyagoo Ka Dharagsan

Bulsha:- Waa hubaal in qoraalkan aad ka dheehan karto waxyaalo badan oo kugu dhacay ama aad aragtay waxa si fudud laysu yidhaa ereyo aan belba haysan.

Mala yaabta waa ku jeclahey leys odhanaayo ayadoon xataa magac leysku sheegin?
Wajiga 1: ‘Waa ka Helay’

Wajigan waakan ugu khiyaamada badan ee ragu sameeyaan, haduu wiil ku yidhaa “Waa ka heley” ma ula jeedaan in shaqsiyadada ka helay ee waxey ula jeedaan jirkaga iyo qaabka u egtahay ayaan ka helay.

Waxba ha is muujin gabadhyahay oo ha u maleyn in qof kaa heli karo shaqsiyada marka kowaad ee uu ku arko. qurbo.net ayaa ku leh Nafsadada ha khiyaamayn oo jaceylka ma aha quruxda qofka oo kaliya. Nimanka badankood waxa soo jiita xabadka haweenka iyo qaabkooda, halka qaar kalena ay soo jiitaan meelo kale oo jidhka dumarka kamida laakiin Adigu maskaxdaada ku Hay inaan nin mar kaliya ruux dumara wada jeclaan ama jacaylkiisu hal mar wada iman Karin.

Wajiga 2: ‘Sahan’

Xaaladani waa xaalada somalidu u taqaani Guurmeerka ragu markey shukaansi kuusoo doontaan waxey ku jiraan sahan micnaheedu yahay adiga oo kaliya kulama socdaan oo ugu yaraan labo kula mid ah ayuu xidhiidh gaagaab ah la wadaa. Markan waxey doonayan gabadh fursad siisa oo nolasha la qeybsata. Ee Hadaad ka heshay qalbigaaga u fur, hadaadan ka helina ka carar qofna ma jecla inuu subax kasta kasoo ag kaco qof uusan jecleyn.

Wajiga 3: Waa kaa yaabin

Wajigan waa marka wiilka lacagtuu hayey oo dhan kugu qarashgareeyo, ogow nimanka waxa ka dhaadhacsan in lacagtu wax kaste u gooyso. Ubax, saacad, iyo hadyado qaali ah waa markad ka dhargeysid, laakinse waqti badan ma soconeyso ee ka feejignow oo go’aankada haka khalkhalin.

Wajiga 4: Isbursi
Waliga wiil ma u il-jabisay adoon waxba ula jeedin markas wiilkas maka daba cararay oo u maleeyey inaa daneysay, ogow markan wiilasha badankood kaama helin laakinse waxey ogyihin inaa adiga ka heshey. Waa marku uu bilaabmo iney ku doodoonaan oo ka daba cararaan.

Wajiga 5: ‘Qasab igu Jeclow’


Qasab igu jeclow abaayo, waa marka wiilku kaa helo laakinse uu kaa dareemin wax tusinaya inaad ka jeceshahey. Markaas wuxu ku walwalaa suu jaceyl kugu abuuri laha, waa marka uu matalaa filmanta hindiga ah oo kalmad kaste oo jaceyl ku saabsan uu yaqaano kugu dhaha. Wiilasha qeebtood waxa laga yaaba in adiga daraada usoo xifdiyaan kalmado jaceyl ah.

Wajiga 6: ‘Been ku guri keen’

Dumarka been baa lugu guri keena runa waa lugu dhaqa, hadabe waa run xikmadaas. Qeybtan waa marka go’aan goosanayo waa marka aad aragta wiilka aad jecleed iyo qofka runta ah uu yahey, waa marka kalmadaha uu soo xafdiyey ee ka guuraan oo dhabta imaata. Waxaad ogaan karta qofka runta uu yahey ee digtoonow.

Wajiga 7: ‘Waa ku jeclahey’

Haduu wajiga been ku guri keen socon waayo, wuxu ku odhan waa ku jeclahey waa marka badanaa uu ninku laba mid raaco, inuu xidhiidhkaas si xun kugu jaro ama uu ku hanto.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment