Shirkadda Facebook Oo Soo Kordhisay Adeeg Cusub Oo Si Wayn Loo Sugayay

Bulsha:- Shirkadda Facebook ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqday inay dhamaysay qayb ay sheegeen inay dhowaanahan wadeen samaynteeda oo suurtogelinaysa in dadku ku xidhiidhaan kuna sheekaystaan ,kuwaas oo isu arkaaya hab Video ahaana.

Qaybtan ayay sheegeen inay markii hore ku jirtay Tijaabo,waxaana lagu xidhay Qaybta Messenger-ka,waxaana lagaga wada hadli doonaa wadamo dhawr ah ,kuwaas oo kala ah Maraykanka,Canada,Faransiiska iyo Belgium.

Waxaanay masuuliyiinta shirkaddani sheegeen inay sameeyeen horumarin dhinaca xidhiidhka ah ,kaas oo ay markii ugu horeysay ku guulaysteen inay Fidyowgaasi sameeyaan,sidoo kalena waxay sheegeen inay wadaan hab balaadhin ah oo ay ku doonayaan inay ku balaadhiyaan xadiga Messenger-kaasi,kaas oo la doonaayo inay 600 Million oo isticmaale markeliyaata ku wada xidhiidhaan bil walba,sidoo kalena ay kaga xidhiidhaan meel walba oo ay joogaan.

Waxaanu ku shaqayn doonaa waqtigan Program kani taleefanada kala ah Android iyo sidoo kalena Apple,kuwaas oo ku xidhan Google,waxaana laga tijaabin doonaa nidaamkan cusub ee xidhiidh wadamo gaadhaaya ilaa 18 wadan toddobaadka soo socda,kuwaas oo kala noqonaaya Maraykanka,Britain,Uruguay,Laos,France,Belgium,Canada,Mexico,Croatia,Nigeria iyo Cumaan,iyada oo bilaha soo socdana wadamo kale la gaadhsiin doono.

Waxa kale oo shirkadaasi hadda uun lagu daray fartana laga qaaday in cod lagu wada xidhiidho wadankaasi Maraykanka,iyada oo la doonaayo in dibadana looga saaro,sidoo kalena waxa la sameeyey hab lacagaha laysaga diri karo iyada oo la isticmaalaayo,kuwaas oo khubarada shirkaddaasi ay bishii dhoweyd soo bandhigeen hab ay shirkaddaha Internet ka ka dhex ganacsada ee isticmaala E-commerce ku ay ku shaqayn karaan.







_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment