Maxaa Kala Haysta WhatsApp Iyo Skype

Bulsha:- skype whatsappShirkadda Skype ayaa labadii sano ee la soo dhaafay hoos u dhac wayn uu ku yimid kadib markii ay Facebook lacag aad u badan ay kula wareegtay adeega WhatsApp.

Skype ayaa ahayd aaladda xiriirka kuwa online-ka ah kuwooda loogu isticmaalka badnaa labo sano ka hore, waxay ahayd goob kulmisa malyuumaad ruux, adeegyadeeduna waxaa ay ahaayeen kuwo aad loogu riyaaqo. Balse iyadoo shirkaddu ay faa’iideedu fiicantahay, sumacad wayn ka haysata bulshada ku xiran ayaa mar qura laga jeestay, loona jihaystay dhanka WatsApp.

WhatsApp ayaa dhawaan ku dhawaaqday in soo kordhisay adeeg wicitaan ah oo free ah taasoo dhabar jab xoog leh ku sii noqotay Skype oo iyadu qudheedu qorshaynaysay in ay soo saarto adeeg midkaasi ka ag dhow.

Skype-ka ayaa markaan dib boorka isaga jafaysa, iyadoo haatan soo kordhisay adeeg turjumaad ah oo online ah taasoo keeni doonto is dhexgal xoogan bulshada caalamka dhex mara. Barnaamijkaani cusub ayay shirkaddu doonaysay in ay daaha ka rogto sanadkii la soo dhaafay balse afhayeen u hadlay ayaa hoosta ka xariiqay in luuqado labo luuqadood oo muhiim ah dartood aanan barnaamijkaasi lo soo dayn sanadkii la dhaafay.

Barnaamijkaasi cusub ee turjumaadda ee ay shirkaddy soo kordhay ayaa waxaa durbadiiba si aan caadi ahayn looga soo dhaweeyay daalalka ugu dadka badan dunida sida China, India, Ruushka, Pakistan, Nigeria iyo Masar. Hadii Shirkadda Skypke ay guulaysto in ay macaamiil xoogan ay ka hesho dalalkaasi waxaa hoos udhac wayn uu ku imaan doonaa adeega WhatsApp-ka Facebook, waxaana ay lumin doonaan macaamiil ay ka heli jireen dakhli gaaraya Malyuumaad kun oo doolar.


Balse Facebook waxaa uu xiriir fiican kala dhexeeyaa Google. Hadii Google ay Facebook ka caawiso dhanka turjumaadda, waxaa u suurta gali doonta is ay sii xajisato macaamiil badan, laakiin khubarada falanqeeysa tartarnka shariikadaha Teknolojiyadda ayaa sheegay in ay adagtahay in Google ay adeega turjumaadda ay ka caawiso WhatsAppka Facebook maxaa yeelay Google ayaa macaamiisheeda in ka badan 10% ay yihiin kuwo ku xiran adeega Google Translate.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment