Cillado Hadii Aanad Gaarigaaga Ka Hagaajin Khatar Weyn Kuu Keeni Kara, Iyo Talooyin Muhiim U Ah Gaarigaaga.

Bulsha:- Baabuurtu waxa ay ka mid yihiin gaadiidka aadamuhu u samaystay in uu u sahlo isu socodka, kana furto dhibta badan ee waayadii hore ka jiri jirtay adeegsiga gaadiidkii dabiiciga ahaa ee fardaha iyo awrtu ka mid ahayd. Inta badan gaadiidkaas hore ee dabiiciga ahaa waxa ay heli jireen daryeel badan, dadka adeegsadaana waxa ay ku qanacsanaayeen in uu yahay nafley iyaga la mid ah oo u baahan cunto, cabbitaan, daweyn iyo nasasho intaba, laakiin waxa aad mooddaa in maadaama oo gaadiidkan dambe uu bir yahay ama aynu nidhaahno aanu noole ahayn, in dad badani ay qalad ka fahmaan daryeelka uu u baahan karo.

Qodobka kowaad ee ugu muhiimsani waa in aynu ogaanno in gaadhigu mar kasta oo uu caafimaad qabo in uu u shaqayn karo si fiican, lana isticmaali karo waqti tobannaan sano gaadhaya. Baahida daryeel ee gaadhigu u baahan yahay kuma xidhna in uu cusub yahay, dhex-dhexaad yahay ama uu duugoobay, waayo xitaa marka uu cusub yahay gaadhigu waxa uu u baahan yahay daryeel iyo dayactir joogto ah.

Waxaa jira tallaabooyin lagama maarmaan u ah daryeelka gaadhiga, iyo in uu u adkaysto da’da, haddii la samayn waayana keeni kara suurtogalnimada ah in gaadhigu uu shaqadiisa sida laga rabo u gudan kari waayo.


Qoraalkan oo uu Kobciye.com ka soo xigtay shabakad ka faalloota arrimaha cilmiga iyo dhaqanka oo Afka Carabiga ku baxda ayaa tirinaya tallaabooyin ay muhiim tahay in loo maro daryeelka gaadhiga isaga oo u kala horreysiinaya sida ay u kala muhiimsan yihiin:

1. Taayirrada: Taayirradu waa meesha koowaad ee gaadhiga muhiimadda gaarka ah u leh, waa cagaha uu ku taagan yahay, hadba xaaladdoodu sida ay tahay waxaa ku xidhan; xawaaraha gaadhiga, socodkiisa biyaha, dhiidhiga, ciidda badan iyo dhulka sallaxa ah ee isku siman. Sidoo kale waxa ay taayirradu qayb aad u weyn ku leeyihiin quruxda gaadhiga iyo in uu si miisaaman oo isu dheelli tiran u socdo.

Haddii taayirradu aad u daaleen waxa ay keeni karaan qarax keena khasaare gaadhiga iyo naftada dadka saaranba khatar ku ah. waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in xaddiga naqas ee taayirka ku jiraa uu sidoo kale ka qayb qaato duugowga taayirka, taayirrada afarta gees ee gaadhiga oo naqaska ku jiraa aanu isu dheelli tirnayn ama taayirrada qudhooda oo kala weyn ayaa iyaduna khatar ku ah, gaadhiga.

Khubarada gaadiidku waxa ay ku talinayaan in mar kasta oo uu gaadhigu socdo 10 Kun oo Kiiloomitir ay fiican tahay in afarta taayir ee gaadhiga inta la furo la isku beddelo, oo tusaale ahaan haddii uu gaadhigu yahay nooca Xagga hore ka dhaqaaqa; Labada taayir ee dambe ayaa xagga hore loo soo wareejinayaa iyada oo weliba talan taalli loogu xidhayo, (Mid kasta jiho aan ahayn tii uu markii hore ku xidhnaa) Labada xagga hore laga soo furo xagga dambe ayaa lagu xidhayaa loomana eegayo talan-taalli sida kuwa hore.

Gaadhiga afarta taayir ka dhaqaaqa (Four wheels drive) iyo kuwo labada dambe ka dhaqaaqa; Labada taayir ee hore ayaa la soo furayaa oo xagga dambe talan-taalli loogu xidhayaa, labada dambe iyagana xagga hore ayaa loo rarayaa laakiin qasab ma’aha in ay iyagu talan-taalli noqdaan. La soco…








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment