AKHRISO :- Muqdisho oo ay ka billaabatay in Gabdhaha La Afduubto Kadibna lagu...

Bulsha:- Iyada oo maalintii shalay meydka gabar dhalinyaro ah lagu arkay degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa faahfaahin dheeraad laga helayaa gabadhaasi.

Gabadha ayaa la sheegay iney afduubteen koox dhalinyaro aheyd oo ka doonayay lacag madax furasho ah, maadaama aabaheed uu ku maqnaa dibada.

Faadumo Axmed, oo kamid ah waalidiinta gabadha la dilay oo saxaafada la hadashay ayaa sheegtay in gabadhooda dadkii afduubtay ay soo dalbadeen lacag madax furasho oo gaareysa 40 kun oo doolar.

“Kuleey waa la waayay markii hore, laakiin kadib fariin ayay soo dirtay islamarkiiba iyaga ayaa nasoo wacay oo waxay dhaheen 40 kun oo doolar ayaan ka rabnaa, anagana ma awoodin aabaheedna dibada ayuu jiraa”ayay tiri Faadumo


Faadumo ayaa la weydiiyay cidda ay ku eedeyn karaan dadkii dilay gabadhooda?.


“ma garaneyno cidda ka dambeysay dilka gabadheena sababtoo ah gabadha xitaa faraanti dahab ah ayaa u xirnaa, markii la dilayayna faraantiga wuu u xirnaa oo kama aysan qaadan marka dad doonayay iney wax qaateen ma aheyn”.

Maamulka degmada Heliwaa ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dhacdada ka dhacday degmadaasi.








_______________________
Xafiiska Shabakada Bulsha
UK- Leicester united kingdom
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment