Weerar khasaare Badan geystay oo ka dhacay Germany

Bulsha:- Saddex qof ayaa Sabtida maanta ah ku dhaawacmay weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay gudaha tareen u kala safrayay magaalooyinka Regensburg iyo Nuremberg ee dalka Jarmalka, sida uu wariyay wargeyska maalinlaha ah ee Bild.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in booliisku ay qabteen qofkii weerarka geystay.

Wargeyska ayaa wariyay in aysan jirin faahfaahin laga bixiyay qofka weerarka geystay, dhibaneyaasha, iyo in dhaawacyada soo gaaray ay yihiin kuwa halis ah.


Weerarka ayaa 08:30 subanimo ka dhacay meel u dhow Neumarkt, iyadoo tareenkan oo ah kuwa xowliga ku socda lagu hakiyay magaalada Seubersdorf ee koonfur bari Nuremberg, sida uu wargeysku daabacay.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment