MAREYKANKA oo $19 milyan ku raadinaysa AFAR ka mid ah madaxda Al-Shabaab iyo Magacyada

Bulsha:- Wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ayaa mar kale dib usoo saartay abaal-marin 19 milyan oo dollar ah oo ay ku yaboohday akhbaaraad la xiriira halka ay ku sugan yihiin afar ka mid ah madaxda Al-Shabaab.

Qoraal afartii bishan lasoo dhigay twitter-ka Rewards for Justice (Abaal-gudka cadaaladda) oo ah barnaamij ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ayaa lagu sheegay in afarta hoggaamiye ay kala yihiin; Abu Cubeydah, Mahad Karate, Fu’aad Maxamed Khalad iyo Jacfar.

Abu Cubeydad oo magaciisa saxda uu yahay Axmed Diiriye ayaa hoggaaminayey Al-Shabaab tan iyo markii duqeyn diyaaradeed lagu dilay hoggaamiyihii uu xilka kala wareegay ee Axmed Cabdi Aw-Maxamed oo la yaqiin Axmed Godane, bishii September 2014. Mareykanka ayaa madaxa Abu Cubeydah dul dhigay 6 milyan oo dollar.

Mahad Karate oo magaciisa saxda uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Warsame ayaa ah ku-xigeenka hoggaamiyaha Al-Shabaab. Waxa uu sidoo kale mas’uul ka yahay qeybta amniyaatka ama sirdoonka kooxda Al-Shabaab. Mareykanka ayaa Mahad Karate ku raadinaya 5 milyan oo dollar. 

Fu’aad Maxamed Khalaf waxaa la rumeysan yahay inuu yahay fududeeyaha dhanka maaliyadda ee kooxda. Sanadihii ugu dambeeyey waxaa la sheegay inuu u wareegay dhanka dacwadda ee kooxda. Waxay Mareykanka ku yabooheen 5 milyan oo dollar ciddii usoo gudbeysa aakhbaaraad la xiriira Fu’aad.

Jafar o sidoo kale loo yaqaan Amar, wax xog badan ah lagam hayo hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxa howlgallada ee kooxda Al-Shabaab, waxaana Mareykanka ay madaxiisa dul dhigeen 3 milyan oo dollar. 



Mareykanka ayaa sababta uu u doonayo madaxdan ku sheegay qaraxyo ka dhacay Soomaaliya iyo Kenya iyo inay “weli wadaan dhaq-dhaqaaqyo halis ku ah ammaanka, nabad-galyada iyo xasilloonida” gobolka. 










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment