ROOBLE oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil ciidan iyo arrimaha uu kala hadlay

Bulsha:- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ayaa maanta kulan la qaatay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ciidanka xooga dalka, Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

Sidoo kale waxaa kulankaan qeyb ka ahaa Taliye Xuseen Axmed oo kamid ah Saraakiisha guutada 5-aad, waxaana looga wada-hadlay arrimaha amniga iyo howl-gallada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa saraakiishan ku bogaadiyey howl-galada ay ka wadaan deegaanada maamulka Galmudug, ayada oo lagu soo hadal qaaday howl-galkii Guriceel looga saaray dhaq-dhaqaaqa Ahlu-Sunna ee dagaalka la galay maamulkaas.




Saraakiisha ayaa u ballan-qaaday Ra’iisul Wasaaraha inay dardar-gelin doonaan howl-galada dib u xoreynta ee ka dhanka ah argagixisada, iyagoona ra’iisul wasaaraha ugu mahad-celiyay dhiirigelinta uu u sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ayaa hore kulamo kala duwan la yeeshay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo uu kala hadlay xoojinta kaalintooda nabadgelyada, dib u heshiisiinta iyo doorashada.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment