UK oo shaacisay inay Somaliland u qoonsan karto dal haddii la helo hal mid

Bulsha:-  Dowladda UK ayaa sheegtay inay Somailand u aqoonsan karto dal madax-banaan haddii hindisahaas ay si wadajir ah u billaabin Somaliland, Soomaaliya iyo dalalka Afrika oo wadajir ah, balse aysan marnaba dal u aqoonsan doonin haddii aanay sidaas dhicin.

Wasiirka UK u qaabilsan Afrika Vicky Ford oo ka jawaabaysay codsi uga yimid xildhibaan Danny Kruger, ayaa sheegtay in UK si la mid ah beesha caalamka inteeda kale aanay Somaliland u aqoonsanayn dal madax bannaan.

Waxa ay xustay inay u taallo Somaliland iyo Soomaaliya inay go’aan ka gaaraan xiriiradooda mustaqbalka

“Siyaasaddeena weli waa in Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan mustaqbalkooda, iyo in dalalka deriska ah ee gobolka ay qaataan hoggaanka aqoonsiga isbeddel kasta oo cusub,” ayey tiri.

Si kastaba waxay xustay in UK ay joogitaan diblomaasiyadeed ku leedahay Hargeysa ayna sii waddo inay u yaboohdo kaalmod dhinaca kaabayaasha ah, oo ay ku jirto dhismaha waddada Berbera iyo Ethiopia, tababarka booliska, iyo ka hortagga argagixisanimada iyo meelo kale. 

Vicky Ford waxa ay xustay in Somaliland tahay qayb Soomaaliya ka mid ah oo ku guuleysatay inay sameysato maamul wanaagsan islamarkaana ay mudan tahay in lagu ammaano dadaalka ay ku bixisay xasiloonida.

Waxay xustay inay Somaliland si hufan ula shaqeynayaan illaa iyada iyo Soomaaliya ay ka gaarayaan heshiis kama dambeys ah.




Somaliland ayaa sheegtay inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii, waxayna ku dhawaaqday inay gooni-isu-taag tahay balse ma aysan helin aqoonsi caalami ah.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment