NISA oo kaalinta ugu weyn laga siiyay ka bixitaanka AMISOM ee Soomaaliya

Bulsha:-  Waxay u muuqataa inuu soo dhamaanayo, waayihii ciidamada midowga Afrika ee Amisom, waxaana soo baxaya xogo muujinaya in dowladda Soomaaliya arinkaasi u diyaar garowday.

Qaabka ciidamada Amisom loogala wareegayo howlagalada, waxaa kaalinta ugu weyn la siiyay sida ay xogaha cadeynayaan sirdoonka Soomaaliya, iyadoo madaxda ugu sareysa ee dowladda iyo hogaanka midowga Afrika si dhaw ula soconayaan.

Madaxa Mukhaabaraadka Soomaaliya ahna taliyaha dabagalka ee hey’adda NISA Korneel Cabdullahi Daahir oo Cabdullahi Dheere loo yaqaan ayaa si gaar ah u hogaaminaya saraakiisha sirdoonka Soomaaliya ee in Amisom awoodda lagala wareego, dalkana laga saaro ka shaqeynaya.

Xogta ayaa sheegeysaa in tayada sirdonka Soomaaliya uu gaarey 4-tii sano ee lasoo dhaafey meshii ugu sareysey, Amisom ayaana la sheegay in xogaha argagixisada waayihii u danbeeyay ka qaadanayeen NISA, iyagoona qiray awoodda ay hey’addu leedahay.

Ilo xog ogaal dhanka amniga ah waxay warbaahinta gudaha iyo tan caalamiga ah u sheegeen in Kor Cabdullahi Dheere uu sabab u yahay fekerka ku saabsan in Amisom laga tashto, islamarkaana ciidamada Soomaaliyeed lagu soo celiyo awoodda.

NISA, ayaa lagu amaanay in ay u shaqeyso sida sirdoonada caalamka horumarey waxaana hadda hay’addu noqotey isha laga qaato xogaha argagixisada afrika, in kastoo ay jiraan dhaliilo hadana waxaa muuqata in sirdoonka qaranka haybadiisa dib ula soo laabtey.

NISA ayaa hadda awood u leh in howl gallo ka fuliso deegaanada ay maamulaan alshabaab waxaana jira ciidamo fuliya howlagallada gaarka ah,

Sidoo kale shir sanadle ah oo bilo kahor ka dhacay magaalada Newyork, ayaa khudbad uu shirkaasi ka jeediyay Korneel Cabdullahi dheere waxaa la tilmaamay in ay soo jiidatay sirdoonada dalalka awoodda leh, waxaana shirkaasi oo warbaahinta lala wadaagin maadaama ay CIA-da hogaamineysay uu Soomaaliya usoo jiiday kalsooni dhanka hey’adaha amniga ah.

Dadka aqoonyahanka ah iyo falanqeeyayaasha siyaasadda iyo amniga waxay ka digaan in sii joogitaanka ciidamada shisheeye uu daba dheeraado ayna wiiqdo awoodda ciidamada Soomaaliya, balse taasi gabalkeedi ayaa sii dhacaya waxaana NISA lagu qiimeyn doonaa kaalinta ay ka qaadato amniga dalla xilligan kala guurka laba geesoodka ah ee doorashada iyo kala wareegista amniga ee midowga Afrika.


Korneel Cabdullahi oo ah madaxa mukhaabaraadka iyo taliyaha dabagalka NISA, Ayaa Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa uu qaaday tilaabooyin sabab u noqday guulo amni, waxaana qeyb ka ah qorshaha ka bixitaanka Amisom, awooda Shabaab oo la wiiqay iyo xukunka ay shacabka ku farxeen ee askartii Amisom ee dadka dishay lagu riday.

Dowladda Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka hesha taageero dhaqaale iyo mid amnia, balse waxay dalbaneysaa mudooyinkan in taageerada loogu koobo mid dhaqaale si hey’adaha amniga dalka ay awood u yeeshaan.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment