Daawo:- Ciidamada Galmudug oo gacanta ku dhigay Markab laga leeyahay dalka Shiinaha

Bulsha:- Ciidamada ilaalada Xeebaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay markab watay calanka dowlada Shiinaha oo si sharci daro ah uga kaluumeesanayay badda Soomaaliya gaar ahaan Biyaha Galmudug.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada ilaalada xeebaha Galmudug ayey ku guuleesteen in markabkan kaluumeesiga sharci darada ku hoolanaa gacanta ku dhigaan xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeen xeebta Degmada Hobyo.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe ayaa sheegay in markabka ay saaran yihiin 17 Kalluukeysato u dhashay wadamada  Shiinaha, indonesia iyo Hindiya.

Waxa uu sheegay taliyaha in markabkan kaluumeesiga sharci darada ah ku jiray ay mudo kudaba jireen, waxa uuna tilmaamay in markabkan uu dhibaatooyin u geestay doonyo kaluumeesato Soomaaliyeed lahaayeen.

Taliyaha Ciidanka ilaalada Xeebaha degmada Hobyo Cabdiraxmaan Cali Dbiblaawe waxaa uu sheegay inay sii wadi soonaan howlgalladabka dhanka ah Maraakiibta Shisheeye ee Kalluumeysiga Sharci darrada ah ka wada Xeebaha Gobolka Mudug.


Biyaha Soomaaliya waxaa si joogta ah kaluumeesi sharci daro ah uga sameeya maraakiib iyo doonyo shisheeye kuwaa oo mararka qaarkoopd dhibaateeya doonyaha ay wataan kaluumeesatada Soomaaliyeed.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment