Mahad Cabdalla Cawad oo dib loogu doortay kursiga Golaha Shacabka

Bulsha:- Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa Maanta lagu qabtay doorashada kursiga Hop104 oo uu markale ku guuleystay kursigaas guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

Kursiga ayaa waxaa Mahad Cabdalla Cawad kula tartantay Shukri Cali Faarax, waxaana ugu dambeyn ku guuleystay guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo helay 84 Cod halka Shukri Cali Faarax aysan helin wax cod ah, waxaana xumaaday 17 cod.

Doorashada kursiga Hop104 ee uu kusoo baxay Mahad Cabdalla Cawad ayaan yeelan wax xiiso ah maadaama tartan adag uusan aheyn, waxana goordow la guda galayaa doorashada kursiga labaad ee Hop26 oo ay horay ugu fadhiday Xildhibaan Ikraan Aadan Absuge, balse la filayo in uu u tartamo kuna soo baxo Yuusuf Geelle Ugaas (Dhageey)













Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment