Cali Guudlaawe oo beesha caalamka usheegay Hal Arin oo umuhiim ah doorashada

Bulsha:- Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho ku qaabilay Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya Anita Kiki Gbeho, Safiirka Midowga Yurub Tiina Intelmann iyo Safiirka Dowadda Ingiriiska ee Soomaaliya danjire kate Foster.

Kulankaan ayaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka gaar ahaan dardargalinta doorashada golaha Shacabka, Amniga iyo maashaariicda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhowaan deegaanada Hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashooyinka golaha shacabka oo si daahfuran u qabsoomi doonto waxa uuna sheegay in muwaadiniinta musharixiinta fursad siman la siin doono.


Madaxweynaha ayaa sidoo kale warbixiyay dhibaatooyinka abaaraha iyo fatahaadaha ee ku gadaaman deegaanada hirshabeelle oo muhiim ay tahay in nagala caawiyo ka hortaga fatahaadaha.










Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment