Inkastoo uu door muhiim ah u ciyaaray Red Devils xilli ciyaareedkii 2020-21, xiddiga heerka caalami ee dalka Uruguay ayaa lala xiriirinayay inuu ku laabanayo Koonfurta Ameerika intii lagu jiray suuqii ugu danbeeyay.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa ugu danbeyn siisay Cavani 12 bilood oo dheeri ah, laakiin 34-sano jirkaan ayaa ku adkeyd inuu ciyaaro xilli ciyaareedkan dhaawacyo dartiis.
Sida laga soo xigtay El Nacional , Klopp ayaa si dhow ula socday xaalada Cavani ee Man United, waxaana uu rajeynayay inuu ku qanciyo weeraryahanka inuu u dhaqaaqo Merseyside ka hor inta uusan saxiixin heshiisla labaad Red Devils.
Warbixinta ayaa intaa ku dartay in Cavani uu ku riixi doono bixitaankiisa bisha Janaayo, inkastoo Barcelona ay ka war heyso suurtagalnimada saxiixa xiddigii hore ee Paris Saint-Germain.
Cavani ayaa dhaliyay kaliya hal gool 8 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan waxana uu ku faanay wadar ahaan 18 gool oo uu dhaliyay 47 kulan oo uu u saftay Man United.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Blogger Comment
Facebook Comment