Gudiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo kordhiyey shuruud yaab leh oo lacag ah

Bulsha:- Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban ayaa soo saaray habraac cusub oo loo marayo soo gudbinta dacwooyinka ka dhasha Kuraasta Golaha Shacabka oo dhawaan ka bilaabatay dalka.

Sida uu maanta baahiyey telefishanka Qaranka Soomaaliyeed ee SNTV ka hor inta aan cabashada loo gudbin guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyin waa in uu bixiyo dacwooduhu lacag dhan 3,000 oo dollar.

“Waa in uu soo gudbisto codsiga dacwada oo qoraal ah, kuna soo lifaaqo galka cabashadiisa/deeda waraaqda rasiidka bixinta lacagta diiwaan-gelinta dacwada oo dhan $3,000 (sadex kun oo doolar), kuna soo shubaa xisaabta bangiga (Accounta Number) loo asteeyay. Waa in uu soo buuxiyo foomka diiwaan-galinta dacwad dacwada doorashada ee guddiga xallinta khilaafaadka doorashada dadban ee 2020-2021.”

Lacagta ayaa marnaba la celinayn haddii dacwada la gudbiyey loo xukmiyo dhanka dacwoodaha uu ka cabanayo iyo haddii la’laalo labadoodaba, sida uu sheegay guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka.

Siyaasiga ama Musharaxa ka dacwoonaya boob lagula kacay Kursigiisa iyo hanaanka doorashada loo maamulay waxa uu gudbin kara dacwadiisa labo illaa saddex maalmood gudahood marka la shaaciyo liiska ergada iyo musharaxiinta.

Cadadka lacagta iyo waajibnamadeed ka hor inta aan la gudbin dacwada ayaa falan-qeeyayaasha qaarkood ku tilmaamen “mid la yaab leh” oo looga gaashamanayo in la gudbiyo dacwad, maadama ay sheegen in mugdi badan ku gadaaman yahay hufnaanta guddigaas.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaca ka qaaday in illaa muddo 7 cisho ah uu baarayo, marka dacwadda lasoo gaarsiiyo, lana waafajiyo habraaca ay soo saareen, islamarkaana ay ogeysiinayaan guddiyada doorashooyinka.

Ugu dambeyntiina guddiga ayaa ku wargeliyey musharixiinta iyo codbixiyeyaasha in la qaataan habraaca ay soo saareen oo ku aadan sida loo wajahayo, haddii ay cabasho timaado.











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment