FIQI oo soo jeediyey laba awood oo lagu hor-istaagi karo doorasho boobka socda

Bulsha:- Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa usoo jeediyey golaha Midowga Murashaxiinta Soomaaliya inay hor-istaagaan doorasho boobka dalka ka socda.

Fiqi ayaa ka fal-celinayey warkii shalay kasoo baxay golaha ee ay ku sheegeen inay ka fakarayaan dowlad cusub oo ay dhisaan haddii ay sidan ku socoto doorashada dalka oo ay hareeyeen musq-maasuq iyo boob cad oo aan horey loo arag.

“Midowga musharaxiintu waa ku mahadsan yihiin mawqifkooda adag iyo hadal-cadaantooda waqtigii loo baahnaa ay soo saareen, waana kaalin ay lahaayeen in ay saxaan qaladaadka ay galayaan kooxda Villa Somalia iyo gacan-yarayaashoodu,” ayuu yiri Fiqi.

Waxa uu sidoo kale si dadban u weeraray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, oo uu ku eedeeyey inuu ka aamusan yahay xadgudubyada socda.

“30 sano ka dib, in dal dhib kasta soo maray ay doorashadiisu sidaan u ekaato waa ayaandarro weyn iyo damiinimo kuwa taladiisu ay gacanta ugu jirto, waana mas’uuliyad xumo kuwa doorashada lagu aaminay ee shaqadoodu ay ku soo koobantay hambalyada oo kaliya,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa Midowga Musharaxiinta usoo ujeediyey inay boobka socda hor-istaagaan ayaga oo kaashanaya ciidamada qalabka sida iyo shacabka.

“Shalay kali-talisnimadii, dastuur diidkii iyo muddo kororsigii waxaa hor istaagay midowga musharixiinta ayagoo kaashanaya shacabka iyo ciidamada qalabka sida maantana ayagaa laga rabaa in ay hor istaagaan doorasho la dhoodhoobay iyo marin habaabinta mustaqbalka dalka,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi. 











Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:


Booga Bogeena Facebooka Halkaan KUDHUFO
Share on Google Plus

About Bulsha Arrimaha Bulshada

Wabsite kaan waxaa uu idiin soo gudbin dhacdooyinka maalinlaha ah ee la xariira arrimaha bulshada siyaasada cayaaraha, fanka iyo suugaanta iyo in badan oo qarsoon marka ha moogaan inaad soo booqada oo aad ka daalacado waxyaabaha muhiimka ah ee aan idinku diyaariney. Waadna Mahadsan Tihiin. Somaliya hanoolaato
    Blogger Comment
    Facebook Comment